Dowladda oo digniin u dirtay dadka geysta falalka kufsiga

Siihaya Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta ka qeeb gallay kulan ay soo qabanqaabiyeen Culimada Soomaaliyeed  iyo Uruuka Bulshada rayidka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Abuukaate Xasan ayaa khudbad ka jeediyay kulankaas oo ka dhacay Muqdisho, isagoo ka hadlay falalka xad-gudubyada ah ee mararka qaarkood ka dhaca dalka.

Waxaa uu sheegay Wasiir Xasan Xuseen in muhiim ay tahay in meel looga soo wada jeysto falal kufsiga ah, waxaana uu tilmaamay in sharciga lala tiigsan doono cid waliba oo ku lug leh arrimaha kufsiga, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adeg.

“Bulshadana qeebaheeda kala duwan waxaan kula dardaarmayaa in hal dhinac looga soo wada jeesto falalka xad-gudubyada ah,  waxa kale u baahan in lala dagaalamo waxyaabaha mukhaadaraadka iyo maandooriyaasha kuwaas oo sababa wax waliba xumaan ah oo faldanbiyeed ah” ayuu yiri Wasiir Wasiir Xasan Xuseen.

Si kastaba Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan fal isugu jiray kufsi iyo dil loogu geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, kadibna laga soo tuuray dabaq lix biyaano, waxaana kiis kaas loo qabtay 12 ruux, sida uu shaaciyay Taliska Booliska dowladda.

Comments
Loading...