Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Francisco ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Baladweyne kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo maalmihii la soo dhaafay halkaas ku sugnaa.
Intaasi kadib Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, iyagoo ka wada hadlay Doorka midowga Afrika uu ka qaadan karo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadkii uu sameeyay fatahaada Baladweyne.
Sidoo kale Ambassador Francisco Madeira iyo Cali Guudlaawe ayaa ka wada hadlay sidii leysugu furi lahaa degmooyinka iyo degaanada Hirshabeele ka hor inta aan la gaarin waqtiga kala guurka ama Arrimaha doorashooyinka.