Waxaa Goordhow lagu dhawaaqay in gabi ahaan ay baaqatay Muxaadaradii lagu waday in Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka Injineer Yariisow uu qaban lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijio Maxamed Diiriye ayaa ku dhawaaqday inay baaqatay mar kale Muxaadaradii uu berri oo Axad ah qaban lahaa Sheekh Umal.
Muxaadarada Maalinta berri uu qaban lahaa Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa siweyn uga soo horjeeday Culimada Ahlusunna Waljameeca ee Gobolka Banaadir, waxaana Ahlusunna ay dowladda uga baaqday inay arrintaas joojiso, iyagoona ku hanjabay in hadii ay dhacdo Muxaadarada ay qaban doonaan dibadbaxyo xoogan.
Shalay ayaa waxaa Banaanbax ka dhigay Magaalada Muqdisho qaar kamid ah Culimada Ahlusunna Waljameeca, isla markaana Maanta mar kale ayay sheegay in aan la qaban doonin Muxaadaro.