Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan la yeeshay Saraakiisha AMISOM

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maagada Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda maamulka kulan kula qaatay Saraakiisha  howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa waxa ka qayb galay Taliyaha qaybta afaraad ee ciidamada AMISOM  Sector 4 Col. Cabdiraxmaan Riyaale xareed oo socdaal ku gaaray Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa taliyaha war bixin ka siiyay muhiimada aay la haayeen howl galo maalmihii lasoo dhaafay laga sameeyay koonfurta Caasimadda Galmudug, kuwaas oo Ciidamada Milatariga iyo Nabadsugida ay sameeyen.

Taliyaha AMISOM Sector 4 Col Cabdiraxmaan Riyaale Xareed ayaa ku boggaadiyay dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug sida ay ula dagaalameen Al-shabaab waxaa a uu sheegay in Socdaalkooda u ku qotomay dhiirigalin iyo balaraanta Howlgalka AMISOM ee Galmudug.

Galmudug ayaa hortabin siineysa amaanka iyo xasiloonida guud ahaan Galmudug gaar ahaan caasimada Dhuusamareb waxaan socda Diyaar garow badan oo loogu jiro xoreynta deegaanada maqan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media