Ciidanka Dowladda oo la sheegay inay Magaalada Muqdisho ku xireen Ganacsato

Ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Magaalda Muqdisho ku xiray ganacsato iyo gaadiidley lagu tuhmaayo in ay xiriir la sameeyeen Al-Shabaab.

Ganacsatada ay xireen Ciidanka amniga dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Xaashi, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in lala xiray xubno kale kale oo ka tirsan Guddiga gaadiidleyda.

Ganacsatadan ayaa la sheegey in ciidamo si gaar ah u tababaran ay magaalada ka dhex xireen, kuwaasi oo la tilmaamay inay xiriir la sameeyeen Al-shabaab.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Ganacsatada  iyo xubnaha kale ee dhawaan la xiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media