Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolledka Galmudug Cali Dahir Ciid ayaa booqasho ugu tagay wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyenta Galmudug Ahmed dhiblaawe Casir(Washiton) oo dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray Qaraxii ka dhacay Hotel Elite.
Madaxweynaha ayaa alle uga baryay in uu caafiyo wasiir Dhiblaawe, waxaana uu sheegay dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Dowlada Soomaaliyaba ay ka go’an tahay la dagaalanka u alshabaab si looga badbaadiyo ayuu yiri shacabka Soomaaliyeed ee ay gumaadayaan.
wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyenta Galmudug Ahmed dhiblaawe Casir(Washiton) ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhawaacmay Hoteel Elite, waxaana sidoo kale weerarka Hoteelkaas lagu qaaday ku dhintay dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dolwadda.