Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay kulan dhexmaray isaga iyo taliyaha Hay’adda nabadsuggida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana uu faah faahin ka bixiyay wax yabihii ay ka wada hadleen labada Mas’uul.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan ka wada hadlin wax la xariira arrimo siyaasadeed, waxaana uu intaas ku daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in ay ka wada hadlen arrimo booqosho salaam oo kaliya.
“Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed. Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah. Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta.” Ayuu Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka labada mas’uul ayaa wararku waxaa ay sheegayeen in ay ka wada hadleen arrimo la xariira siyaasadda dalka.