Wararka aan ka heleyno degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad adag oo hubanti la’aan ah ay ka taagan tahay degmadaasi, kadib markii Webiga Jubba uu ku fatahay xaafado ka tirsan degmada.
Wabiyada Dawa iyo Jubba ee Doloow ka kala mara waqooyi Bari iyo Galbeed ayaa biyahooda soo kordhayeen saacadihii la soo dhaafay, ka gadaal markii webiga uu jabsaday karkaarka, sida ay kusoo warrameen dadka deegaanka.
Qaar kamid ah shacabka kunool xaafadaha fatahaada ay soo gaartey ayaa u barakacaya meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah, Biyaha ayaa go’doomiyey guryaha degmada Doolow, waxayna khasaare geysteen guryo badan.
Horey ayaa digniino looga soo saarey in Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ay ka dhacayaan fatahaado iyo daadad ka dhashay roobka gu’ ga, isla markaana waxyeelan kara bulshada somaliyeed.