Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay booqasho 3 maalmood ah ku tegay Kenya waxa uu maanta dhigiisa dalkaasi, Uhuru Kenyatta kula kulmay Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi.
Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Waddan, Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo Ammaanka Gobalka.
Kulankaasi kadib, Madaxweyne Geelle oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay isaga iyo Uhuru Kenyatta ka wada xaajoodeen sidii loo xoojinta Xiriirka iyo Ammanka Labada Waddan, loona badbaadin lahaa Nolosha iyo Hantida Muwaadiniinta labadooda waddan.
Madaxweyne Geelle waxa uu hoosta ka xariiqay inay Jabuuti iyo Kenya ku yaallaan Gobal aad u rabshadaysan, loona baahan yahay inay labada dal xoojiyaan dadaalkooda ku aadan sidii dalalka Gobalka loogu soo dabaali lahaa Nabad buuxda.
“Waxaan ku dhex jirnaa Gobalka rabshadaysan, halkaasi oo aan wajahayno Xag-jir iyo colaado. Waana taasi sababta ay Ciiddankeenna u joogaan gudaha Somalia, si aan uga caawino inay mar kale helaan Deganaansho†ayuu yiri Madaxweyne Geelle, oo intaasi sii raaciyey in ay ka hortagayaan sidii aysan Khatarta Nabadda iyo in la yareeyo Deganaansho La’aanta Gobalka.
Madaxweyne Geelle waxa uu farta ku fiiqay in waxa ka dhacayo Somalia ay si degdeg ah u wada baab’in karaan Gobalka, xuxuuna xusay in Jabuuti sida Kenya oo kale ay ka daacad tahay sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad Buuxda.
Booqahaddda uu Madaxweynaja Jabuuti ku joogo dalka Kenya ayaa timid, hal maalin kadib, markii uu Ra’isul-wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia, Abi Axmed dhamaystay booqasho 2-maalmood oo uu ku joogay dalka Kenya.