Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca ammaanka Cabdifataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu beegsaday suuq qaadka lagu iibiyo, abaare afartii galabnimo ee xilliga Geeska Afrika.
Cabdifataax ayaa VOA u sheegay in qofka weerarka fuliyey la tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
“Ismiidamiye ka tirsan Al-Shabaab ayaa suuqa qaadka isku qarxiyey, wuxuuna galaaftay noloshiisa iyo 14 qof oo kale, isaga oo dhaawacay in ka badan 15 kale†ayuu Cabdifataax u sheegay VOA.
Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ku yaalla saldhigga milatari ee Belidoogle oo ay ku sugan yihiin ciidmada gaarka u tababaran ee Soomaaliya, iyo tababerayaal Mareykan ah.