DEG DEG:-Al-Shabaab oo Caawa la wareegay deegaanka Baxdo

Wararka Caawa naga soo gaaraya deegaanka Baxda ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ay Al-Shabaab Caawa halkaasi la wareegeen.

Deegaanka Baxdo ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug,waxana lasoo sheegayaa in ay Caawa sinaabd ah kula wareegeen Al-Shabaab.

Dadka deegaanka oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado diiday qalabka Warbaahinta ayaa wax ay xaqiijiyeen in Al-Shabaab ay Caawa deegaankaasi ku sugan yihiin.

Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa wuxuu qiyaastii 90 kilomitir dhanka beri ka xigaa degmada Cadaado oo Xarun muhiim u ah Dowlad goboledka Galmuudg.

Lama oga waxa xilligaan ku soo beegay qabshada Al-Shabaab ee deegaanka baxcdo,iyada oo masuuliyiinta Maamulka deegaanka Baxdo aysan ka jawaabin taleefoonadeena kadib xriiro aan la sameynay.

Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media