Madaxweyne Guudlaawe oo Booqday dhaawacyada Qaraxyadii ka dhacay Maxaas

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Mahad Xasan Cusmaan iyo qaar kamid ah Wasiiradiisa ayaa Isbitaalka Erdogan ee Muqdisho ku booqday dadkii ku waxyeeloobay qarixii ay Al-shabaab shalay ka geysatay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha oo u kuurgalyay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah ayaa mid mid u dultagay ciidankii iyo Shacabkii ay waxyeeladu kasoo gaareen Weerarkii Al-shabaab, isagoo warbixinno ku saabsan xaaladooda caafimaad ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe yaa xusay in dagaaladii lala galay dagaalamayaasha Al-shabaab looga adkaay, iyagoo laga xureeyay deegaano degmooyin ka tirsan Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxyadii oo ahaa isku Is-miidaamin ah dhimasho iyo dhaawac ku noqday in ka badan 15 qof oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah.

About Webmaster

View all posts by Webmaster