Ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed oo sameeyay Howlgal Dad lagu soo qab-qabtay

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay howlgalo ballaaran ka sameeyay xaafaddo ka tirsan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna caasimadda ah kumeel gaarka ah ee Maamulkaas.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa ay ciidamada Nabadsugida kusoo qabteen dhallinyaro dhowr ah oo looga shakiyay falal amni darro, waxaana haatan lagu wadaa baaritaano, sida lagu shaaciyay Qoraal uu baahiyey Taliska NISA ee K/Galbeed.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ciidamada Nabadsugida Koonfur Galbeed ka fuliyeen magaalada Baydhabo ayaa tilmaamay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo amniga guud ee Baydbabo, lagana hortego falalka amni darro.

Baydhabo ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa inay gaaraan wufuud kala duwan oo ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta ah oo ay ku baaqeen Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe.

Shirkaan ayaa waxaa uu yahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoona khilaafka uu dhawaan sababay dagaal dhexmaray ciidanka Maamulka iyo ciidamo kasoo horjeeday muddo kororsi uu sameeyay Madaxweyne Lafta-gareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor