Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacday magaalada Minya ee dalka Masar, kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida Jamhuuriyadda Soomaaliya shacab iyo dowladba ay u garab taagan yihiin walaalahooda dalka Masar, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha kasoo horjeedda horumarka iyo xasilloonida Gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in weerarkan uu muujinayo hagardaamada joogtada ah ay ku hayaan shucuubta, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo weeraradaan oo kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee dalka Masar Mudane Almushiir Cabdifataax Alsiisi iyo ehelada dadkii ku nafwaayey weerarkaasi, waxa uuna u rajeeyay dadkii dhaawacyadu soo gaareen in ay si deg deg ah caafimaad dhammeystiran u helaan.