Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Maanta soo gaba gabeysay dacwad loo heystay 9 Eedeysane oo ay ka mid yihiin Madaxdii Kastamka Canshuuraha ee dekada Muqdishisho.
9 Xubnood ayaa waxaa la xiray 18kii Bishii Agoosto ee Sanadkaan,waxaana ay Maxkamad ka soo muuqdeen 29-kii Bishii Setemper,iyada oo ugu dambeyn Maanta go’aan laga gaaray.
Mas’uuliyiintaan ayaa lagu soo Eedeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed Gaar ahaan Waaxda Canshuraha ee Dekada Magaalada Muqdisho,waxana ka mid ah Maamulaha Furdada Axmed C/llaahi Samow
Sidoo kale waxaa jira Go’aano laga gaaray 2 eedeysane oo ka tirsan Wasaaradda Wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya.
Goordhow la socda Go’aanada ka soo baxay Maxkamada gobolka Banaadir.