Madaxweynaha DFS, Maxamed C/lalahi Framaajo ayaa hadalkaasi sheegay mar ay isaga iyo dhigiisa dalka Masar, C/fataax Al-sisi ku kulmeen Qasriga Al-itixaadiyah ee magaalladda Qaahira.
Kulanka Labada Madaxweyne waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Samiix Shukri iyoMadaxa Guud ee Sirdoonka Masar, Jeneral Cabaas Kaamil.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhigiisa Masar warbixin ka siiyey horumaradii ugu dambeeyey ee Somalia iyo Tallaabooyinka ay DFS ku tallaabsatay siddii loo soo celin lahaa Nabadda iyo Deganaanshah.
Madaxweynuhu waaxa uu tilmaamay inay ka gudbeen caqabado ka hor yimid Dowladda, wuxuuna ka mahad celiyey Taageeradda ay Dowladda Masar la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka Madaxtooyadda Masar, Basaam Raadi oo soo saaray hadal-qoraal Kulanka Labada Madaxweyne kadib, oo uu ku xusay inuu Madaxweyne C/fataax Alsisi carrabka ku adkeeyey inay Dowladda Masar sii wadi doonto xoojinta dhamaan Iskaashiga labada Wadadan iyo inay bixin doonaa nooc kasta oo Taageero ah oo lagu dhisayo Hay’addaha DFS iyo soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka Somalia.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka hadlay Xiriirka Taariikhiga ee labada dal iyo doorka Dowladda Masar ka qaadanayso dadaalka lagu soo celinayo Nabadda iyo DEganaanshaha Somalia.
Wxaa kale oo uu ku bogaadiyey dhigiisa dalka Masar, C/fataax Alsisi marti-gelinta 2 Shirweyne Afrikaan oo maanta looga hadlay Xaalladaha dalalka Sudan iyo Libiya iyo kaalinta qiima-galka ee uu ka qaadanayo Arrimaha Qaaradda Afrika, gaar ahaan xilligan oo uu madaxweyne C/fataax Alsisi madax ka yahay Ururka midowga Afrika ee AU-da.