14 Sarkaal oo loo xiray weerarkii Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga

Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Xabsiga la dhigay 14 Sarkaal oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya 24 Saacadood kadib weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee shalay lagu qaaday Xarumaha Wasaaradda Amniga iyo Gudaha oo ku taalla Otta Otta ee M/Muqdisho.

Kulan ay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ku yeesheen Guddiga Amniga Gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga ,Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, taliyeyaasha heer Federaal iyo heer gobol ee ciidammada Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa lagu amray in la xiro Saraakiishaas.

Saraakiisha la xiray ayaa Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in ay taliyayaal ka ahaayeen Koontoroolada laga soo galo Xaruntii la weeraray,iyo sidoo kale Wadooyinka soo gala Xarumaha la weeraray,sida Wadada Dabka iyo tan ka timaada degmada Howl-Wadaag ee G/Banaadir,waxa ayna isugu jiraan Boolis iyo Nabadsugid.

14-ka Sarkaal ayaa waxaa la geeyey midka mid ah Xarumaha dambi barista,kadib amar ka soo abxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow,waxaana taasi ay ku soo beegantay xilli shaki la gelinayey cida fudueysay weerarkaas maadaama baaritaano xoogleh iyo taxadar badan ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis Cali ibarahim Xildhibaan ayaa Maanta sheegay in dadka Soomaaliyeed aan lagu qancin Karin in dowladda ay sameyneyso kaliya isla-xisaabtan,iyada oo Wadooyinka Muqdisho qaarkood xataa mararka qaar laga celiyo in ay maraan Gawaarida ay wataan masuuliyinta dowladda oo ay ku jiraan taliyeyaasha Ciidamada.

Weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Xarunta Madaxtooyada,ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday in ka badan 14 ruux oo ay ku jiraan Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha halka in ka badan ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor