Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna ku booriyey in sida ugu dhaqsaha badan loo dhiso Dowlad ay dadka Soomaalida ku wada dhan yihiin.
Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa sheegay in Dowladda Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay inayu wax ka qabtaan Abaaraha haatan taagan iyo in laga hortago Macluusha.
Afhayeenka waxa uu xusay in ay Dowladda cusub inay kala shaqeyn doonto Maamul-gobaleedyadda si loo qaadi lahaa Muhiimadda Qaranka, oo ay ku jiraan Dhamaystirka Dastuurka KMG iyo Dhismaha Ciiddanka Ammaanka Qaran oo wax-ku-ool ah.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM waxa uu bogaadiyey Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid shaqadii ay soo qabteen muddadii ay xilka hayeen.
©Radio Dalsan