Madaxweynaha Koonfurta Afrika oo sheegay inay si wadajir ah ula shaqeyn doonaan Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa hadalkaasi ku sheegay War-qoraal oo ka soo baxay Waaxda Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga ee dalkaasi, wuxuuna xusay inay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo kala shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka Labada dale e Koonfur Afrika iyo Somalia.

Waxa kale oo uu u hambalyeeyey Murashixiinta oggolaatay Natiijadda Doorashaddii Madaxtinimadda ee ka dhacday Somalia, wuxuuna xusay inay taasi muujinayso inay Somalia ka dhacday Doorasho Xaq iyo Hufnaan leh kuna qotonta Mabaa’diida Dimuqraadiyadda.

Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool Kumanaan dad Soomaali ah, kuwaasi oo inta badan la kulma dil iyo dhac loogu geysto dalkaasi, mana muuqato Tallaabo Adag oo ay Dowladda dalkaasi kaga hortagayso Tacadiyadda loo geysto Soomaalida

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media