Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay RW Abiy Axmed

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed.

Kulanka oo gaar ahaa ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena iska xog-wareystay xaaladda Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaare Abiy kala hadlay sida wararka qaarkood ay sheegayaan Ajendaal ku jira Shirka Maanta Magaalada Jabuuti uga furmaya Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo looga hadli doono Arrimo dhowr.

Weli ma jiro xog intaas ka faah faahsan oo laga helay kulankii dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

Shirkaan Madaxda IGAD ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo kamid ah xaalada Gobolka Tigree-ga oo dhawaan Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya dagaal kagala wareegeen Jabhadda TPLF.

Shirka ayaa Madaxda ka qeyb galeysa waxaa ay diirada ku saari doonaa khilaafka xoogan ee xiligaan u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dhawaan dowladda ay Urur Goboleedka IGAD u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya, kuna eedeysay fara-gelin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray dalka Jabuuti ayaa Maanta ka qeyb galaya Shirka Urur Goboleedka IGAD, isagoo ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media