Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa guddoomay deeq gargaar bini’aadantinimo ah oo Dowladda Talyaaniga ugu talagashay dadkii ay saameysay duufaanta GATI.
Deeqdaas oo barqanimadii Maanta diyaarad lagu gaarsiiyay Magaalada Boosaaso ayaa isugu jirtay Daawo, raashiin, Bustayaal iyo agab kale, isla markaana loogu ugu tala-galay in loo gaarsiiyo dadkii deegaanada Puntland ku saameeysay duufaantii GATI.
Mas’uuliyiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay gargaarka ay soo gaarsiiyeen, iyagoona tilmaamay in Deg-deg ah loo gaarsiin doono dadka u baahan ee ku sugan deegaanada Maamulka.
Wasiirada kala ah Wasiirka Wasaaradda Dekaha iyo gaadiidka Bada, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo gaadiid, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, iyo Gudoomiyaha Boosaaso ayaa goobjoog ka ahaa Deeqda Puntland lagu wareejiyay.
Deeqdaan ayaa waxaa loogu talagalay dadka ay saamaysay Duufaantii GATI ee ku dhufatay ee xeebaha Gobalada, Bari, Gardafu iyo Karkaar Dowladda Talyaaniga ayaa ah Dowladii koowaad ee ka qayb qaadata gargaarka dadka duufaanto saamaysay.