Shirka Madaxad Urur Goboleedka IGAD oo ka furmay Jabuuti

Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa goordhow si rasmi ah uga furmay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyada Jabuuti, iyadoo shirka uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan.

Shirkaan IGAD ayaa inta uu socdo waxaa looga hadlayaa Arrimo kala duwan oo kamid ah xaalada Gobolka Tigree-ga oo dhawaan Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya dagaal kagala wareegeen Jabhadda TPLF.

Sidoo kale Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ayaa waxaa ay diirada ku saari doo khilaafka xoogan ee xiligaan u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dhawaan dowladda ay Urur Goboleedka IGAD u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya, kuna eedeysay fara-gelin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa halkaas  ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Sidoo kale Madaxad ka qeyb galeysa shirka ayaa jeedin doona khudbado kala duwan oo ay uga hadlayaan xaaladaha ka jira dalkooda iyo arrimo kale oo ku aadan xaaladda geeska Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media