Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan tegaya deegaanada Maamulka Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in horaanta Bishaan gudaheeda uu u ambabxo deegaanada Dowlad goboledka Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe.

Ujeedka wefdiga EE Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu shegay in uu ka qeybgeli doono Afar Sano guuradii kas oo wareegtay markii la doortay madaxweyne Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo ku began 8 Bishaan.

Madaxtooyada Puntland ayaa shaacisay in Madaxweyne Farmaajo tegayo Puntland isla markaana ay u Magacaabeen Guddi ka qyeb qaata sidii loo soo dahweyn lahaa Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay 8,dii Bishii Febaraayo ee Sanadkii 2017 aanan tegin deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntland balse la filayo in uu dhawaan tago.

Madaxweyne Gaas,oo ay dhaceyso dhawaan munaasabada loogu dabaaldegayo Afarta Sano ee ka soo waregtay markii loo doortay Madaxweynaha Puntland ayaa waxa lagu casuumay munaasabadaas inta badan madaxda Maamul goboleedyada kuwaas oo la filayo in ay iyana tagaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media