Madaxweyne Farmaajo oo Booqanaya Itoobiya

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa markii ugu horeysay tagaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu Arbacada tago Addis Ababa, booqasho qaadan doonto mudo laba Cisho ah.

Labada masuul ayaa ka wada hadli doona xiriirka Soomaaliya Iyo Itoobiya oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan dalkeena, waxaana sidookale madaxweyne Farmaajo inta uu joogo dalka Itoobiya uu la kulmi doonaa madaxda ururka IGAD.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media