Alshabaab oo La Wareegay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool

Wararka naga so gaaryo gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Waajid ayaa ku waramaya in Alshabaab ay la wareegen gacan ku heynta degmadaas, Kadib dagaal ay maanta la galeen ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in degmada uu ka dhacay dagaal xoogan, islamarkaana gudaha ay u galeen cutobyo ciidan ka tirsan Alshabaab.

Majirto wali cid ka hadashay dagaalka, hayeeshee mudooyinkan waxaa gobolka Bakool ka socday dhaqdhaqaaqyo  ay wadeen ciidanka dowladda, lamana oga ilaa iyo hada waxa keenay in ciidamadu dib uga soo baxaan degmada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media