Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Xildhibaanadda Aqalka Sare ee BFS ayaa si kulul u dhaliilay xubnaha ay dadka Reer HirShabelle ka heleen XFS, wuxuuna sheegay inay ku dulman yihiin Dowladda Federalka.
Hadalkaasi waxa uu ka jeediyey Shirkii Xildhibaanadda Aqalka Sare ee BFS shalay ku yeesheen Muqdisho, wuxuuna aad uga hadlay qaladaad uu sheegay in laga galay Maamulka Hirhabelle, isla markaana la mamnuucay Diyaaradihii Qaadka ee ku degi jirey magaalladda Jowhar.
Senator Suudi waxa kale oo uu soo hadal-qaaday xubnaha ay Beeshiisa ka heleen Golaha Xukuumadda Federalka, taasi oo uu sheegay inay tahay mid ka yar marka loo eego Beel kale oo ilaa 4 Wasiir ka helay Xukuumadda Federalka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Beesha uu Xildhibaanka ka soo jeedo waxay XFS ka heleen 2 Wasiir (Amniga Qaranka & Warfaafinta), wuxuuna Labadaasi Xil ku tilmaamay “Wasiirka Qaraxyadda iyo Wasiirka Qarax-sheega†waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba, Hadalka Senator Muuse Suudi Yalaxow  ayaa u muuqata Farriin Cad oo uu u dirayey Madaxda DFS, si loo saxo sed-bursiga xubnaha Beelaha Soomaalida ka heleen XFS, waa sida laga dareemi karo Argtida Senator Muuse Suudi Yalaxow
©Radio Dalsan
Â