Madaxweynaha Puntland oo Odayaal kala hadlay xaaladda Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee magaaladda Gaalkacyo kulan kula qaatay Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, isbedelka dhinaca amniga ah ee socda Magaalada Gaalkacyo, howlgalada lagu sugayo amniga oo lagula dirirayo maandooriyaha iyo waxkastoo amni daro ah.

Madaxweynaha ayaa Isimada iyo Waxgaradka Gobolka la wadaagay qorshaha ee ku aadan Gobolka, dhinacyada amniga, horumarka iyo dhismaha ciidamada.

Dhammaan Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa isku raacay in ay Maamulka kala shaqeeyaan Amniga iyo wax kasta oo Gobolka khuseeya, waxaana Isimada iyo Waxgaradku la wadaageen inay garab taaganyihiin, diyaarna u yihiin inay kala shaqeeyaan howlgalka Gobolka looga nadiifinayo Maandooriyaha iyo dadka ka shaqeysta.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baaralamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada , Xildhibaano, Lataliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media