Madaxweyne Deni oo shaaciyay xilliga Doorashada Goleyaasha deegaanka Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha deegaanka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad

Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad

Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

1- Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Maamulka Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023.

2- Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply