Taliyihii Saldhiga Degmada Cabdicasiis oo shaqada laga joojiyay iyo Askar la xiray

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaqo ka joojin ku sameeyay Taliyihii degmada Cabdi Casiis ee Gobolkani Banaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha shaqada laga joojiyay sababo la xariira weerarkii dhawaan dagalamayaasha AL-shabaab ay ku qaaden Hotel Elite oo ku yaalla degmada Cabdul Casiis gaar ahaan Xeebta Liido.

Sidoo kale wararku waxaa ay sheegayaan xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah ciidankii ku qornaa Koontoroolka laga soo galo aagga la weeraray, waxaana Taliska Booliska Soomaaliyeed ay sheegeen arintaani ay la xariirto weerarkii lagu qaaday Hotel kaas.

Hoteelka la weeraray ayaa ka mid ahaa Hoteelada sida weyn loo ilaaliyo, waxaana dad badani ay su’aalo ka keeneen sida ay ku suurta gashay in dabley hubeysan ay weeraraan, waxaana weerarkii lagu qaaday ka dhashay khaasare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad shacab ah iyo xubno ka tirsan dowladda.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media