Madaxweyne Biixi oo Magacaaabay wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka dibada

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu kala tahay SL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo SL/XM/WM/222-379/112019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka dibeda.

Wareegtooyin Madaxweyne

XIL KA QAADIS

Ku: Maxamuud Cabdi Dacar

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub

Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska

Ku: Sulub Warsame Xuseen

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway

Ku: Cabdalla Muuse Axmed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Ku: Cali Maxamed Axmed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman

Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka J Somaliland, Qodobka 90aad;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

 

  1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska.
  2. Salaan Xasan Kayd Cabdille Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub.
  3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya.
  4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway.
  5. Axmed Jaamac Xasan Shire Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika.
  6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka.
  7. Cali Axmed Cismaan Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya.
  8. Axmed Cali Salaad Maxamed Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman.
  9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka.

Comments
Loading...