Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Mas’uuliyiin iyo qeybaha Bulshada.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana socdaalkiisa ku wehlinaayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, xubno katirsan labada golle iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeedka Madaxweyne Axmed Madoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu yahay sidii uu qeyb uga noqon lahaa dhammeystirka doorashada dalka gaar ahaan tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo maalmaha soo socda dhaceysa
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haayan ku sugan dhammaan Madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland oo Maanta yimid iyo Madaxweynaha Puntland oo ah Musharax Madaxweyne oo olole doorasho ku jira.