Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab ayaa waxaa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda laga la’yahay lacagihii lagu qaadi lahaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanadkaan.
Wasiir Carab oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Imtixaanka sanadkaan laga qaadi lahaa Ardayda dhammeysatay Dugsiga Sare uu halis ku jiro, isla markaana la la’yahay dhaqaalihii lagu qaadi lahaa Imtixaanka.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa tilmaamay in Wasaaradda Maaliyadda lagu leeyahay lacagihii sanadkii hore lagu qaaday Imtixaanka dowladda Federaalka, sidoo kalena ay Wasaaraddaas ku maqan tahay lacagtii Macalimiinta.
Sidoo kale Wasiir Carab ayaa Carabka ku dhuftay in Imtixaanka Ardayda Soomaaliyeed aan laga damqaneynin, khatarna loogu jiro in sanadkaan laga qaadi waayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare, isagoona rajeeyay in la heli doono dad u damqada Waxbarashada dalka.
Si kastaba qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ayaa kusoo aadaya, iyada oo dalku ku jiro marxalad kala guur ah, isla markaana loo diyaar garoobayo qabsoomida doorashada Madaxweynaha dalka ee dhaceysa,