Eragada Shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa isku raacay in magaca cusub ee labada maamul uu noqon doono HIRSHABEELLE.
Ergada ayaa sidoo kale la sheegay in ay haatan ku howlan yihiin wax ka badalka Qabya Qoraalka Dastuurka iyo dhameestiirkiisu qodobada muhiimka ah ee la xiriiro ku dhawaaqista caasimada cusub ee dowlad goboleedka Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe, astaanta iyo calanka maamulkaas lagu wado in uu yeesho.