Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Doxa ee Dalka Qadar

Madaxweynaha Somaaliya Maxamed cabdullaahi(Farmaajo) oo Booqasho ku joogay dalka Jabuuti aya Gelinkii dambe ee Maanta waxaa la sheegay in uu u amba baxay Magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qadar.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalka Jabuuti waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha dalkaasi Jabuuti isnaaciil Cumar Geelle,isagoona Maanta ka qeyb galay Munaasabad xariga looga jarayay Dekad Cusub oo laga dhisay Gudaha dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa la sheegay in uu Casuumaad ka helay Boqorka dalka Qadar Tamiim bin Hamad  isagoona kala hadli doona taageerida dowladda Somaaliya iyo sidoo kale mid dhaqaale oo dowladda Somaaliya ay u baahan tahay.

Booqashadan uu Madaxweynaha Soamaliya ku tagay dalka Qadar ayaa noqonaya booqashadii 10,aad ee uu ku tago Wadamada Caalaamka,waxa uuna horay u sheegay in Safarada badan ay yihiin kuwo lagu soo celinaayo xiriirka Caalamig ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media