Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo madaxweynaha dowlada federaalka soomaaliya ayaa maanta xarunta taliska Amisom ee Xalane magaalada muqdisho uga qeybgalaya shir ku saabsan arimaha abaaraha ee ka jira qeybo kamid ah dalka.
Shirkaasi ayaa la filayaa inuu gordhow ka bilaawdo magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta xalane waxaana ka qeybgalaya madax ka socota beesha caalamka,iyo madaxda maamul goboleedyada iyadoo looga hadlayo ugurmashada dadka ay saameysay abaarta ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cadbullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in goor dhow uu gaaro xarunta Xalane si uu uga qeybgalo kulanka oo uu shir gudoomin doono inta uu socdo waxaana gabi ahaan looga hadlayaa sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay abaarta si loo bad baadiyo nolosha dad badan oo halis ugu jira abaarta.