DEG DEG:- Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa goor dhow qarax xoogan uu ka dhacay magaalada muqdisho gaar ahaa wadada Buundooyinka ee kala qeybisa degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qasaaraha qaraxaasi.

Gaari nuuca raaxada ayaa la sheegay inuu halkaasi ku qarxay kaasi oo marayey wadada waxaana lasoo wariyey inuu ahaa qaraxa mid lagu xiray gaariga oo gabi ahaan burburay.

Gaariga ayaa la sheegay inuu lahaa nin ganacsata ah oo loogu xiray qaraxa gaariga waxaana halkaasi ku geeriyooday ganacsadihii watay gaariga.

Goobta waxaa gaaray ciiddamada amaanka ee dowlada oo halkaasi kawada baaritaan mana jirto wali faah faahin ay ka bixiyeen saraakiisha ciiddamada qaraxaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media