Duqa degmada Baladweyne oo Shaqada laga joojiyay (wareegto)

Wareegto ka soo baxday Xafiiska guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) ayaa waxaa Shaqada looga joojiyay Duqa degmada Baladweyne iyo mas’uuliyiin kale.

Wareegtada oo ku taariikheysan 31/10/2018 ayaa waxaa Shaqada looga joojiyay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Duqa degmada Baladweyne Cali Cabduqaadir Faarax.

Mas’uuliyiintana ayaa waxaa lagu eedeeyay,waxyaabo ay ka mid yihiin musuq maasuq lunsasho Hanti dadweyne iyo arrimo kale.

Maalma ka hor ayaa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle aysan soo magacaabi karin Gobolka Hiiraan mas’uuliyiin Cusub balse Maanta uu isaga Shaqa joojin sameeyay.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor