Muqdisho: AMISOM oo soo dhaweysay sarkaal dhinaca qaraxyada Shabaab u qaabilsanaa oo isku dhiibay ciidamada Dowladda.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa soo dhaweeyey sarkaal lagu magcaabo Xuseen Salaad Mukhtaar oo saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Baay ay sheegeen inuu dhawaan isku soo dhiibay,kaasi oo la sheegay inuu u qaabilsanaa Al-shabaab dhinaca qaraxyada .

War kooban oo ay AMISOM Barat Twitter-ka ay soo dhigtay ayaa waxaa ay uga hadleen sarkaalkaas isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan Koonfur Galbeed,waxaana qoraalka ka soo baxay AMISOM lagu sheegay inay taasi muujinayso in rag-kale oo katirsan Shabaab laga yaabo inay isku soo dhibaan dowladda federaalka.

“ Ciidamadda AMISOM waxaa ay Al shabaab ugu baaqayaan in ay ka soo tagaan, oo ay hubka dhigaan, waxaa ay helayaan badbaado, si ay dib u dhiska dalkooda ay ugu qeyb-qaataan” ayaa lagu yiri Qoraalkaaasi goor dhweyd ka soo baxay AMISOM.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media