Muwaadiniin Soomaali ah oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa markii 4-aad waxaa ay fududeysay in Magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Uganda.

137 Muwaadin oo maanta ka dhoofay Garoonka Caalamiga ah ee Entebbe ayaa noqoya duulamadkii 4-aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda fudeysay, kuwaasi oo soo gaaray Muqdisho.

Hadda qaar ka mid ah dadkii maanta ka dhoofay garoonka Entebbe oo hadlay warbaahinta dowladda ayaa ugu mahad celiyay Safaaradda sida aay gacanta weyn ugu geystay in aay dalkii  dib ugu laabtan.

Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda oo ka duuleysa siyaasadda arrimaha didaba ee dowladda federaalka Soomaliya ee ku aadan in dib dalkii looga celiyo muwaadinka Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka dibadiisa, ayaa Safaaradda ilaa iyo hadda waxay dalkii dib ugu celisay ku dhawaad 500 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media