Madaxweynaha Somaliland oo Maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday Mareykanka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaaran oo ka socda dalka Maraykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Somaliland.

Ugu horrayna Madaxweynaha ayaa waxa uu weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka ay gaareen oo uu xusay inuu ku yimif Iskaashiga shacabka iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee isku wareejinayey xukunka.

Waxa kale oo Madaxweynaha xubnaha weftiga la wadaagay arrimaha Somaliland u suurageliyey in Beesha caalamka iyo Afrika inteeda kalena ay ku majeerato, taas oo ah nabadgelyada, horumarka, doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, dimuquraaddiyadda  iyo wax-wada qabsiga.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadnaqay xubnaha weftiga Mareykanka ee maalmihii booqashada ku joogay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha Qaranka iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen Hargeysa una qaabileen,

Wafdiga ayaa Somaliland ku boggaadiyey horumarka ay ka gaareen nabadgelyada, dimuquraaddiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu Somaliland tahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro.

Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka Amb. Bashiir

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor