Madaxweynaha Puntland oo soo saaray Amar uu ku joojiyey iibinta Buugaag muhiim ah

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda.

Madaxweynaha ayaa faray Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Maamulka Puntland,  in la fuliyo amarkan  laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.

Buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland ayaa waxaa ku jira khaladaadka oo laga dhex helayaa buugaagta casharada looga dhigo Ardayga dhigata  dusgiyada sare ee ku yaalla dowlad Goboleedka Puntland.

Dhawaan ayaa waxaa dib u bilowday sanad dugsiyeedka Waxbarashada ee 2022/2023, waxaana Aradyda u soo dhammaaday fasaxii sanad dugsiyeedka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor