Guudlaawe oo Guddoomiyey kulan looga hadlay Amniga Jowhar iyo howlgalo socda

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe ayaa maanta guddoonshay shirka guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda ee tiirarka Siyaasadda loo dhanyahay, Amniga iyo Cadaaladda.

Kulankaan ayaa looga hadlay xaqiijinta nabad galyada Magaada Jowhar ee Caasimadda Maamulka oo wax badan laga qabtay iyo Howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dardargalinta qaab dhismeedka  Hay’addaha Garsoorka, dib u howlgalinta iyo geeddi socodka dhismaha Golayaasha Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhamaan Guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda iyo Howlwadeennada Madaxtooyda ee tiirarka Siyaasadda loo dhan yahay iyo Amniga iyo Cadaaladda oo aad isugu howlay qabsoomida shirkaan iyo dabagalka fulinta qodobada lagu balamay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor