Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyay Jabhadda Korneyl Caarre Shuruudna ku xiray korneyl-ka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta waxaa uu shaaciyay inuu Cafis u fidiyay dhammaan Ciidamada la socda Kornayl Siciid Cawil Caarre oo ka soo goostay Somaliland,isla markaana muddo ka soo horjeeday.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu shuruud xiray inuu ku xiray Cafis u fidiyo Korneyl Caare,waxaana uu Shuruudaas ka dhigay in Caare uu Somaliland Cafis ka dalbado.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu yimid kadib markii Maanta uu kulan la qaatay madaxda dhaqanka Beesha uu ka soo jeedo Caarre,isla markaana heshiis wada-gaaray.

Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa horey uga tirsanaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Somaliland,hayeeshee waxaa uu ka soo goostay,isagoona sameystay Koox Jabhad ah,kuwaasi oo dhowr jeer dagaal sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka galay Ciidanka Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media