Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xilka qaadis ku sameeyay taliye ku-xigeenkii qeybta Booliiska Gobolka Bari G/dhexe Cabdirashiid Barre Maxamed Aaamusane.
Madaxweynaha Puntland ayaa Taliye ku-xigeenka Cusub ee Booliiska Gobolka Bari u magacaabay inuu noqdo G/dhexe Cabdifitaax Maxamed Maxamuud, isagoo bedelaya Taliye ku-xigeenki hore ee Gobolkaas.
Taliye ku-xigeenka Cusub ayaa waxaa la faray inuu dardar geliyo shaqooyinka amniga Gobolka Bari, isla markaana Ciidanka Booliska laga dlbaday inay la shaqeeyaan Sarkaalka Cusub.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana ugu dambeysay maalmitii shalay aheyd oo halkaas lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Canshuuraha bariga ee Puntland.