Maamulka Hirshabeelle ayaa faa faahin ka bixiyay sababaha inta badan Isbedelka loogu sameeyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu Gobolkaas shan jeer u Magacaabay Guddoomiye.
Afhayeenka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo la hadlay Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in sababaha inta badan xilka looga qaado Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ay tahay Cabasho ka timaada dadka deegaanka iyo Xildhibaanada maamulka ee halkaas kasoo jeeda.
Waxaa uu sheegay Daa’uud Xaaji Ciro in Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ee xalay xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Waare uu gu’dan waaye waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii labaad xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan oo horay xilkan looga qaaday labo jeer.
Sababta Cali Jeyte Cismaan oo markii saddexaad loogu magacaabay Guddoomiyaha Hiiraan ayuu Afhayeenka ku sheegay inay tahay rabitaan ka yimid dadka deegaanka, isla markaana uu yahay Mas’uulkaas yahay mid kasoo bixi kara shaqa loo idmaday.
Gobolka Hiiraan ayaa labadii sano u dambeeyay ahaa maamulkiisa mid aan fadhin oo muddo lix bilood kasta la soo magacaabayay Guddoomiye, waxaana Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare tan iyo markii loo doortay xilka Dowlad Goboleedka Hirshabeell uu Gobolka Hiiraan shan jeer u magacaabay Guddoomiye.