Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa saakay oo Khamiis ah waxa uu safar deg deg ahh uu ugu ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Soo dhaweynta wefdiga madaxweynaha Puntland ayaa laga dareemayaa magaalada Boosaaso waxaana ciidamo dheeraad ah lagu arkayaa Garoonka diyaaradaha iyo meelaha ugu muhiimsam ee madaxweyne Deni uu mari doono.
Inta uu ku suganyahay magaalada Boosaaso ayaa waxaa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa saraakiisha ciidamada eek u howlan sugidda amniga magaalada Boosaaso isaga oo kala hadli doona waxa iska bedelay amniga tan iyo intii howlgalku ka bilowday Boosaaso oo dilal badan ay ka dhici jireen.
Dhinaca kalana warar madax banaan oo la helayo ayaa shegaya in madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni in uu usii gudbi doono dhinaca magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug,waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in uu halkaas kula kulmo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooor qoor.