Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa in Maanta oo talaado ah uu booqdo deegaanka Badhan ee Gobolka Sanaag oo ay puntland Maamusho.
Booqashadaan oo noqon doonta markii ugu horeysay ee uu tago tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland,ayaa waxaa wehlin doona Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Puntland.
Ujeedka safarka Madaxweynaha Puntland ee Magalada Badhan ayaa lagu sheegay in uu xariga ka jari doono jaamacadda Maakhir oo dhawaan laga dhisay halkaas.
Wufuud hordhac u ah safarka Madaxweyne Gaas ee Magalada Badhan ayaa shalay waxa ay gaareen halkaas,waxana aad loo adkeeyey amniga,iyada soo safar dhinaca dhulka h uu halkaasi ku tegi doono.
Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Wafdiga Madaxweyne Gaas ayaa haatan laga dareemayaa Magalada Badhan.
Safarkaan Madaxweyne Gaas ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Magalada Garoowe ay ku sugan yihiin Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare kuwaas oo u tegay xalinta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.