Maamulka Gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay ku qaadeen fariisin dagaalamayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in weerarka ay iyaga ku qaadeen Al-Shabaab deegaano ay ku sugnaayeen oo ku yaalla duleedka degmada Balad Xaawo.
Waxa uu sheegay in Cabasho uga timid dadka Shacabka ah ay u sameeyeen howlgal ay ku bur buriyeen Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada howlgalka fuliyey ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo ka tirsan Darawaashiishta Jubbaland ,isla markaana Al-Shabaab ka dileen tiro dagaalyahan,sidoo kalena laba Gaadiidka dagaalka ah ay ka gubeen.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen 10 ka tirsan Ciidamada Jubbaland iyo Sarkaalkii hoggaaminayey sidoo kalena laba Gaari oo ay mid ka mid ah tahay Booyada Biyaha u qaada Ciidamada Kenya gubeen.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo.