Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xala Qasriga Madaxtooyada Magaalada Garoowe ku qaabilay Guddiga u qareemayaasha Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha fursadsiinta Haweenka ku metelaya Puntland labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaanba doorka Haweenku ku leeyihiin Maamulka Puntland.
kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Shiikh Axmed Gabale oo hoggaaminaysa Guddiga, xubno guddiga ka mid ah iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland Marwo Khadra Warsame Jaamac.
Guddiga u qareemayaasha Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in maamul Goboleedyada ku xaqiijiyaan qoondada Haweenka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.