Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gaba-gabeeyo doorashada Xildhibaanada harsan ee Golaha Shacabka, iyada oo la raacayo habraacyadii hore loogu heshiiyay.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in muddo sanad ah ay dib u dhacday doorashada dalka, isla markaana ay jireen caqabado siyaasadeed iyo Is jiid-jiid, balse haatan inta badan laga soo gudbay marxaladaas, loona baahan yahay in doorashada la dhameeyo.
Wuxuu sheegay Qoorqoor in Galmudug ay doorashada Golaha Shacabka kusoo dhammeysay waqtigii ugu dambeeyay ee lagu heshiiyay 15-ka Maarso, isagoona xusay in Xildhibaano ku filan dalka la doortay, mar kalena dib loogu noqon is jiid-jiid kale, lana dhammeeyo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxaan dooneynaa in doorashada hore loo galo oo aan dalka dib loo celin, kuna sii jirin dib u dhac dambe, si aysan saaxiibada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya niyad jab intaas ka badan nagu qabin oo Soomaalida dhibaato intaas ka badan kusii jirin” ayuu yiri Madaxwenaha Galmudug oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Gaalkacyo.
Maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Galmudug oo kaliya ayaa soo gaba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka, halka weli aysan soo dhammeyn doorashada Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo deegaan doorashada labaad ay ka jirto caqabad adeg.
Si kastaba Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhawaan ku heshiiyay in doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka lagu soo gaba-gabeeyo 15-kii bishaan Maarso, hayeeshee dib u dhac kale ayaa ku yimid waqtigaas lagu heshiiyay.